Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa ka qeyb galay kulan looga tashanaayo mukhaadaradka iyo Sugida Amniga oo lagu qabtay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Cumar Finish oo hadal ka jeediyay kulankan ayaa si weyn uga hadlay mukhaadaraadka mudooyinkan kusoo badanaya Muqdisho, waxa uuna waalidiinta ugu baaqay in ay la socdaan caruurtooda kana celiyaan isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in jaadka laga keeno dalka Kenya oo dowladu mamnuucday in laga soo dejiyo xeebaha Wadajir kadibna lagu sii iibiyo qeybo kamid ah degmadaasi.
“Dowladda qaadka Kenya way mamnuucday, Wadajir waxaa dhanka Xeebta looga keenaa Qaadkaas oo waxaa lagu dhex iibiyaa Degmada waxaana loo iib geeyaa Degmooyinka kale, Hay’adaha amniga ee shaqada ku leh way joogaan, haddii kontorobaan lagu iibinayo oo aan dhuumasho ahayn idinkaa iibinaya oo raalli ka ah, maxaad sameyn kartaa qofkii Dowladdaan dhahaa ha diyaarsado wixii uu isaga celin lahaa” ayuu yiri Cumar Finish.
Duqa Muqdisho ayaana ugu hanjabay maamulka degmada iyo ciidamada amaanka in talaabo laga qaadi doono hadii aysan kahor tagin in degmada Wadajir lagu iibiyo laguna sii qeybiyo jaadka kontorabaanka looga keeno dalka Kenya.
Magaalada Muqdisho ayaa si joogta ah loo keenaa jaadka laga keeno dalka Kenya, waxaana jaadkan oo horey dowlada Soomaaliya u mamnuucday si dhuumaaleesi ah looga soo dejiyaa xeebaha Muqdisho .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com