Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

(Akhriso Magacyada) Lix Xildhibaan oo maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo

Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku qabtay magaalada Kismaayo doorashada lix kursi oo ka tirsan golaha shacabka.

Doorashadan oo ah tii ugu horeysay golaha shacabka ee lagu qabto magaalada Kismaayo ayaa xildhibaanada ku soo baxay waxay iskugu jiraan kuwo cusub iyo qaar horey kuraasta ugu fadhiyey.

Xildhibaanada ku soo baxay doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa kala ah:-
Hamse Cabdi Barre,
Cabdirashiid Jire Qalinle,
Xasan Cabdi Ismaaciil,
Maxamed Cali Cumar,
Maryan Aweys Jaamac, iyo
Sahra Jaamac Cali

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay Guddiga Maamulka Doorashada Dowlad Goboleedka Jubbaland , Guddiga Doorashada Heer Federaal iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee maanta ka bilaabatay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Masuuliyiin katirsan Jubbaland oo booqday deegaan Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Khayre Oo maanta Isku Keenay Odayaasha Beelo colaad xun dhax martay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Safiirka cusub ee Somalia u magacowday USA oo aqoonsiga laga gudoomay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---