Gollaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay goordhaw soo saareen waxa ay ku cambaareeyeen isku day afgembi ay sheegeen in uu Madaxweyne Farmaajo maleegay.
Midowga Musharaxiinta ayaana dalbaday in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo isku dayga Afgembi uu maleegay Farmaajo iyo kooxdii ku gacan siisay.
Musharaxiinta ayaa uga mahadceliyay Raisul Wasaare Rooble sida uu uga hor yimid afgembiga , waxa ayna ugu baaqeen gollaha wadatashiga qaran in ay isugu yimaadaan shir deg deg ah si loo saxo khaladaadka ka jira doorashada.