Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xasaanada laga qaaday

Baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Baydhabo ayaa xasaanada waxa ay uga qaadeen sadex Xildhibaan oo katirsanaa baarlamaanka maamulkaasi.

Xafiiska Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dacwad kasoo gudbisay sadexdan xildhibaan ee katirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uuna xeer ilaalinta codsaday in xasaanada laga qaado xildhibaanadan si dacwad loogu soo oogo.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaana cod gacan taag ah ugu codeeyay in xasaanada laga qaado sadexda xildhibaan, waxaana ogolaaday in xasaanada laga qaado xildhibaanada 38-xildhibaan, waxaa diiday 10 halka ay ka aamuseen 15-xildhibaan.

Xildhibaanada xasaanada laga qaaday oo kala ah Xildhibaan Ismaacil Ahmed Cabdullahi , Xildhibaan Xasan Maxamed Guudow, iyo Xildhibaan ibraahim Macalin Cali ayaa lagu eedeeyay kicin bulsho iyo dambiyo kale.

Wararka ana helnay ayaa sheegaya in xildhibaanadan xasaanada laga qaaday siyaasad ahaan kasoo horjeedeen Madaxweynaha Koonfur Galbeed si gaar ahna loogu beegsaday arigtooda sidaasna looga qaaday xasaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=8UAImsqir0M

Related posts

Dowlada Somalia oo dhambaal tacsi ah u dirtay shacabka & dowlada Masar

Caydiid Ali

Madaafiic culus oo Xiligan ku socota Dhuusomareeb xili ay joogaan Farmaajo iyo Madax kale

Cabdi Cade

Tartanka Wadaag Cup ee Muqdishu Cable Tv oo jaamacadaha Muqdisho loo qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---