Allbanaadir.com
NEWS

Kulamo Xasaasi ah oo iska soo horjeeda oo ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan guryaha ay kala degan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo looga arinsanayo xaalada siyaasadeed ee dalka .

Kulamadan ayaa labada masuul waxa ay la leeyihiin masuuliyiin aad ugu dhaw dhaw iyo lataliyaashooda, waxaana mid kasta xubnahan ku dhaw dhaw kala tashanayaan talaabooyinka ay qaadi karaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wararku sheegayaan ilaa xalay in kulamo la lahaa xubno aad ugu dhaw dhaw, waxa ayna ka arinsanayeen sida laga yeelayo xaalada siyaasadeed ee taagan iyo culeeska dhinaca beesha caalamka kaga soo wajahay.

Wakiilada beesha caalamka iyo dowladaha waa weyn ee Soomaaliya daneeya oo qaarkood qoraalo u diray Madaxweyne Farmaajo ayaa uga digay talaabooyinka uu qaadayo in dalka mar kale u horseedo dagaal iyo khalalaase.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa dhankiisa kulamo la leh wasiiro iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dhaw, waxa uuna Rooble iyo kooxdiisa ka tashanayaan sidii saaxada siyaasadda looga saari lahaa loona fashilin lahaa kooxda Farmaajo.

Rooble ayaa sidoo kale raadinaya taageerada maamul goboleedyada gaar ahaan kuwa kasoo jeeda beesha Hawiye ee Galmudug iyo Hirshabelle si uu siyaasad ahaan uga adkaado Madaxweyne Farmaajo.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa xiligan mareysa meel xun, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan ciidamo taabacsan Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamo kale oo siyaasad ahaan la jira Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=8UAImsqir0M

Related posts

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay danjire Kate Foster? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Somalia oo Itoobiya ku eedeysay iney hub ka dejisay Kismaayo

Caydiid Ali

Dowlada Sacuudiga oo xukun daldalaad ah ku fulisay 37 qof oo lagu eedeeyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---