Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Maraykanka oo si cad u taageertay RW Rooble, hanjabaad culusna soo saartay

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay iney talaabo adag ka qaadeyso cid kasta oo carqalad ku ah geeddi socodka Nabada iyo doorashooyinka Somalia.

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay qeybta arrimaha Afrika ee waaxda arrimaha dibeda ee Maraykanka.

Qoraalka ayaa si cad Maraykanku ugu taageeray dedaalka uu raisul wasaare Rooble ugu jiro doorashada.

“Isku dayga shaqada looga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha waa wax laga naxo, waxaan taageereynaa dadaalkiisa doorashada oo lagu kalsoonaan karo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hadalka Maraykanka ayaa ku soo aadaya xili Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaqo joojin ku sameeyey Ra’isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble taasoo sababtay loolan awoodeed oo ka dhex bilowday labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Deeqdii ugu horeesay oo lagu bixiyay Magaca la dagaalanka cudurka Coronvirus oo dowladda Soomaaliya la gudoonsiiyay !!

admin

Dayuuradii ugu horeysay oo 14 sano ka dib soo caga dhigatay Garoonka Dayniile (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia oo soo saaray fariin ku socota shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---