Wasiirkii hore ee amniga Qaranka Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay qalaalasaha siyaasadeed ee dalku galay ayaa sheegay in saddex mucjiso oo taariikhi ah ay maanta ka dhaceen xarunta Madaxtooyada Somalia.
Fiqi ayaa xusay in madaxweyne Farmaajo laga filan karo wax ka sii xun ficilada qalafsan ee uu maanta ku dhaqaaqay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayaa sidan u qornaa:-
Maantay mucjisooyinka la diiwaangeliyey waxaa ka mid ah taliyihii ciidamada XDSÂ in askari uu xukumo uu iridda madaxtooyada u diiday, sidoo kale wasiirka Amniga iyo kan Gaashaandhigga oo sarkaal ciidamada wasaaradahooda hoostaga ka mid ah uu ayagana u diideen baabuurtooda in ay la soo galaan xafiisyadoodii.
Waxaa intaas sii dheer in RW Rooble asna xafiiskiisii la qabsaday subixii hore, ayadoo shaqaalihii xafiisyadaas ka shaqaynayayna banaanka looga soo bixiyey.
Madaxtooyadii qaranku waxba kama duwana guri xoog lagu heysto, ninka dhex fadhiyana ay sharciyaddii ka dhamaatay 10 bilood ka hor, ciidamada qarankuna waa in aysan wax amar ah ka qaadan ninkaas waalida kursigu ay madax martay?!
Madaxweynihii hore ee Farmaajo dalka halkaas ayuu gaarsiiyey wuxuuna weli diyaar u yahay wax ka sii xun.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com