Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in xalay ilaa saaka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu isku dayay in uu dalka ka sameeyo afgembi balse la fashiliyey.
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa intaas ku daray in ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay weerareen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha & qeyb kamid ah Xafiisyada Golaha Wasiirada basle nasiib wanaag tallaabadaas ay ka horyimaadeen qaar ka mid ah ilaalada Madaxtooyada iyo taliyeyaasha ciidamada
“Weli waxaa jira Ciidamo tiro yar oo ku howlan Afgembiga oo garan la’ inuu waaga ku baryay” ayuu yiri Wasiirka oo ugu baaqay Ciidamada inay difaacaan dowladnimada ayna ilaaliyaan hantida shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdullaahi Max’ed ayaa ku goodiyey Nuur tallaabo ka qaadi doonaa cid kasta oo ku lug laheyd Afgambiga dhicisoobay.
Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaanndhiga Somalia ayaa ciidamada xoogga dalka ugu baaqay ineysan ka amar qaadanin Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaaday, aysana ku kedsoomin ficilada qalafsan ee madaxweynaha.
“Shaqsi dano gaar ah wata waa ineysan ka amar qaadanin ciidamada, waxaan amreynaa dhamaan ciidamada qalabka sida meel kastoo ay joogaan iney u adeegaan shacabka, aysana aqbalin in dalkan lagu celiyo burbur iyo meeshii laga keenay” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com