Allbanaadir.com
NEWS

In ka badan 470 arday oo maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Jamhuuriya (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhacday xafladda Qalin jabinta dufcaddii 6-aad ee Jaamacadda Jamhuuriya oo kamid ah Jaamacadaha ugu tayada wanaagsan ee ka jira Soomaaliya.
 
Xafladda oo ay kasoo qeybgaleen Arday, waalidiin, madaxda Jaamacadaha iyo Mas’uuliyiin kale oo ka dhacday Howlka Sahal ayaa waxaa halkaas ka hadlay khudbado kala duwan ka jeediyay Masuuliyiin iyo maamulka Jaamacadda.
 
Guddoomiyaha Jaamacadda Jamhuuriya oo munaasabada qalin jabinta ka hadlay ayaa ardayda kula dardaarmay inay dadaalkooda sii wadaan, waxa uuna sheegay in aysan waxbarashada dhameyn balse qeyb kamid ah ka gudbeen.
 
Ardayda Maanta ka qalin jabisay Jaamacadda Jamhuuriya ayaa waxay gaarayeen illaa 470 Arday, waxayna ka qalin jabiyeen kulliyado kala duwan oo mudo sanado ah wax ka baranayeen.
 
Xafladda loo qabtay ardayda ka qalin jabisay Jaamacadda Jamhuuriyada oo kasoo qeyb galeen dad kala duwan ayaana kusoo dhamaatay ayaa waxay kusoo dhammaatay Jawi fiican.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin:-Shacabka Magaalada Belad-weyne oo dhiban & dibad-baxyadii Muqdisho oo..

admin

Khasaaraha dhimasho iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay Dagaalkii Boosaaso oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Muxuu RW Xamse kala hadlay wafdigii uu horkacayey Christoph Retzlaff? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---