Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka iyo Britain oo ka hadlay Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho

Dowladaha Mareykanka iyo Britain ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kusoo korortay magaalada Muqdisho gaar ahaan khilaafka xoogan ee xiligan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Safiirka dowlada Britian u joogta Muqdisho Kate Foster, ayaa ugu baaqday madaxda Soomaaliya inay qaataan tillaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda kasoo cusboonaatay magaalada Muqdisho.

“Waxaan si adag ugu baaqaynaa madaxda Soomaaliya inay qaataan tillaabooyin degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda Muqdisho. Rabshaddu waa wax aan la aqbali karin” ayaytiri  safiirka UK ee Soomaaliya Kate Foster.

Safaarada dowlada Mareykanka iyana ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujisay xaalada siyaasadeed ee dalka kusoo korortay, waxa ayna safaarada ku baaqaday qaboojinta xiisadda iyo in laga fogaado falalka kicinta rabshadaha.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa meel xun gaaray, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadan siyaasadeed mar kale magaalada ka abuurto khalalaase amni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/mtfmxbTYGq4

Related posts

Coronavirus oo weeraray Aqalka Congresska Maraykanka (Xildhibaano laga helay)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Danab oo howlgal ku soo qabtay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Xildhibaan qasab loogu gacan geliyey Maxkamada dembiyada ICC (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---