Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo uu wato Wasiirka Amiga oo xirtay Waddo Muhiim ah uu isticmaalo Farmaajo

Ciidamo badan oo ka amar qaata Wasiirka amniga gudda Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhaw xirtay Wadda Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan ayaa gaadiidka dagaalka ku jaray wadadaasi oo ah halka waddo uu isticmaalo Madaxweyne Farmaajo marka uu Madaxtooyada ka baxayo uuna aadayo garoonka Aadan Cadde iyo goobo kale.

Ciidamadan xirtay wadda Ceelgaabta ayaa la sheegay in ay ka careesan yihiin talaabada ciidamada ilaalada madaxtooyada saakay ugu diideen Wasiirka Amniga gudaha in uu galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamadan xirtay wadada Ceelgaabta ee taabacsan Wasiirka Amniga iyo ciidamada Koofi Gaduuda ee ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo oo iyana ku sugan meel aan ka fogeyn isgooska Ceelgaabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/mtfmxbTYGq4

Related posts

Israel oo qiratay duqeyntii Xerada Qaxootiga Jabaliyah iyo Khasaaro kasoo gaaray dagaalka..

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo caawa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo (Magacyada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Fei Shengchao (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---