Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida aadka ah ugu dhaw Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan xarunta Madaxtooyada, waxaana laga celiyay koontaroolada laga galo Madaxtooyada.
Sida aan wararka ku helnay Wasiirka amniga guddaha Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wasiiro kale ayaa loo diiday in ay galaan xarunta Madaxtooyada waxaana laga celiyay koontaroolada laga soo galo madaxtooyada.
Wasiiradan ayaa si cad loogu sheegay in aan loo ogoleyn in ay gudaha u galaan madaxtooyada, waxaana loo sheegay hadii ay galayaan in fasax kasoo qaataan xafiiska Madaxweynaha.
Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee kusii jeeday guriga Rooble ayaa markii loo diiday in ay galaan madaxtooyada dib ugu laabtay guryahooda, waxa ayna telfoon kula hadleen Ra’isul Wasaare Rooble una gudbiyeen sida ay wax u dhaceen.
Madaxtooyada ayaa kaliya loo ogol yahay in ay galaan Wasiirada iyo saraakiisha siyaasad ahaan taageersan Madaxweyne Farmaajo halka laga celinayo masuuliyiinta kale ee la safan Ra’isul Wasaare Rooble.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/7kMlGcCYvzU