Xaalad siyaasadeed iyo mid amni ayaa xiligan ka taagan xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana xaruntaasi iyo hareeraheeda la dhigay ciidamo aad u badan oo katirsan kuwa ilaalada Madaxweynaha ee loo yaqaan koofiya casta.
Ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo ayaa saakay la dhigay xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxa ayna ciidankan diideen in la galo xafiiska, waxaa sidoo kale ciidamo la dhigay albaabka guriga uu degan yahay Rooble.
Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa isku dayay in uu ka baxo gurigiisa uuna tago xafiiskiisa, hasa ahaatee waxaa la sheegay in culeesyo soo kordhay ay sababtay in Rooble kusii negaado xafiiskiisa.
Sida aan wararka ku helnay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa iyo saraakiil kale oo u tagay Ra’isul Wasaare Rooble ka codsaday in uu kusii sugnaado gurigiisa si looga baaqsado in dagaal ka dhaco gudaha Madaxtooyada.
Jeneraal Odawaa ayaana Rooble u sheegay in uu u tagayo Madaxweyne Farmaajo kana shaqeenayo sidii looga baaqsan lahaa in gudaha Madaxtooyadda xabad ka dhacdo, Rooble ayaana aqbalay codsiga taliyaha kuna sugan wali gurigiisa.
Ciidamadii horey ugu sugnaa guriga Ra’isul Wasaaraha iyo xafiiskiisa ayaana laga qaaday goobtaasi, waxaana aagaasi la dhigay ciidamo cusub oo si toos ah amarka uga qaata xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxii warar ee soo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/7kMlGcCYvzU