Itoobiya ayaa maanta sii deysay sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) kaasoo dowladda Soomaaliya 6-dii bishii September 2017-kii u gacan gelisay Dowladda itoobiya.
Sii deynta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali, oo bilo ka hor qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.
Mid ka mid ah ehelada sarkaalkan ayaa sheegay in C/kariin (Qalbi-dhagax) uu hada yahay nin xor ah, oo magaalada meesha uu doono ka mara, wax cabsi ahna aanan qabin.
Ciidamada maamulka Galmudug ayaa 23-kii bishii August 2017 waxa ay howlgal ku soo qabteen C/kariin (Qalbi Dhagax), kadibna Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa ay keeneen magaalada Muqdisho, iyada oo intaasi kadib lagu wareejiyay Itoobiya.
Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo muddo sannad ku dhow ku jiray gacanta dawladda Itoobiya ayaa maanta markii uu xorriyaddiisa dib ugu helay la hadlay warbaahinta isagoo sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay.
Wuxuu intaa ku daray in muddadii uu xirnaa uu haystay Raadiye iyo Internet, uuna la socday waxyaabaha caalamka iyo gobolka ka dhacaya, isagoo tilmaamay ineysan jirin wax dhibaato ah oo loo geystay.
Sawirro laga soo qaadaty qalbi dhagax oo bartamaha addis ababa dhex mushaaxaya, lana taagan rag ay asxaab iy ehel yihiin ayaa si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com