Qoraal goordhaw kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa loog hadlay qoraalkii Farmaajo ku sheegay in Rooble uga hakiyay shaqada iyo ciidamada saakay la wareegay xafiiska Ra’isul Wasaaraha.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Qoraalka kasoo baxay Farmaajo iyo ciidanka la dhigay xafiiskiisa ay yihiin tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana uu qaadi doono Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
”Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska Rooble laga soo saaray.
Qoraalka goordhaw kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale lagu sheegay in shaqadiisa sidii caadiga aheyd uu u wato, waxaana qoraalka lagu cadeeyay in Rooble ka go’antahay in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran.
”Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.
Warkan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa jawaab u ah qoraalkii saakay Farmaajo ku shaaciyay in shaqada ka joojiyay Rooble sidoo kale ciidamo ka amar qaata Farmaajo saakay lagu dul dhigay xagiiska Rooble.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/7kMlGcCYvzU