Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa mar kale jahwareer siyaasadeed dalka galiyay, waxa uuna xalay qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in uu shaqada ka joojiyay Ra’isul Wasaare Rooble.
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Farmaajo intii uu Villa Soomaaliya joogay uusan u tiurin dastuurka uuna geestay ficilo isugu jira weeraro uu amray iyo dilal qorsheesan oo loo geestay shaqsiyaad muhiim ah.
”Farmaajo dawladnimo uma turin, dastuurna ma dhowrin, guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka degaankana waxba uma hanbayn, xad-gudubyadiisu way is daba yaalleen, laga soo billaabo weerarkii 17 Dec, ee xarunta Xisbiga Wadajir, shirqoolkii lagu dilay AUN Eng Yarisow, weerarkii uu 19 February ku qaaday Madaxweynayaashii hore, rasaastii isla maalinkaa la dhacay madaxdii iyo shacabkii mudaaharaadayey, khaarijintii Ikraan Tahliil, iyo maanta uu Raysalwasaarihii madaxiisa haysto.” ayuu yiri C/Raxmaan C/Shakuur.
Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Farmaajo yahay nin aan gar qaadan oon sharci iyo dastuur ilaalin, waxa uuna cadeeyay in kaliya la isaga celin karo in loo midoobo shacab, ciidan iyo siyaasiyiinba .
”Farmaajo nin garasho leh maaha, nin gar qaata maaha, nin sharci, dastuur iyo akhlaaq leh maaha, nacas iyo nin liita [daba dhilif] keli ah ayuu rabaa. Waa in aan iska qabanaa, Shacab, siyaasi, oday, aqoon yahan, haween, dhallinyaro iyo ciidan waa in marka hore dhaba dhilifka iyo calooshiis u shaqaystaha ka soo horreeya iska qabannaa, ka dibna iska bixinnaa. Dhamaanteen Xafiiska Rooble ayaa noo balan ah.” ayuu yiri C C Warsame.
Hadalka siyaasigan ayaa imaanaya xili mar kale dalku uu galay khalalaase siyaasadeed lagana cabsi qabo in mar kale ay dhacaan dagaalo lamid ah kii bad baado qaran oo bilooyin kahor ka dhacay Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://youtu.be/8UAImsqir0M