Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo Amray in shaqo joojin lagu sameeyo taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.

https://youtu.be/8UAImsqir0M

Related posts

Kaniisada ugu weyn Bariga dhexe oo laga furay Mid ka mid ah dalalka Islaamka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in Al Shabaab qoorta ka jareen labo nin oo looga dilay Dagaalkii Aboorey

Cabdi Cade

Taliyaha NISA oo dhaawacyo ku booqday isbitaalo kuyaalla Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---