Wakiilada beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa u muuqda kuwa taageersan shirka golaha wadatashiga qaran uu iclaamiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ee looga hadlayo sidii loo sixi lahaa khaladaadka ka jira doorashada.
Qoraal kasoo baxay safaaradaha dowladaha Mareykanka iyo Britian ayaa lagu taageeray shirka golaha wadatashiga ee lagu qabanayo Muqdisho, waxa ayna safaaradaha sheegeen in muhiim tahay in la wada hadlo lana saxo doorashada.
” Waan taageereynaa Wada hadalada todobaadkan ay yeelanayaan Madasha, taa oo muhiim u ah dardargelinta hannaanka doorashada iyo sixitaanka khaladaadka la arkay” ayaa yiri Qoraalka Safaaradda Mareykanka soo saartay.
Safiirka dowlada Britain u joogta Soomaaliya Kate Foster ayaa iyana qoraal ay soo saartay ku taageertay shirka gollaha wadatashiga Qaran ee ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, waxa ayna xustay in shirkan muhiim u yahay saxitaanka dooarshada.
”Waxaan sii wadeynaa taageerada baaqyada ku aaddan shirka golaha wadatashiga qaran ee lagu qabanayo magaalada Muqdisho, shirkan waa meesha cabashooyinka iyo arrimaha ay tahay in looga hadlo” ayey tiri Kate Foster.
Ra’isul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta muuqaalka fogaan araga shir deg deg ah kula yeeshay wakiilada beesha caalamka, waxa ayna kawada hadleen khilaafka siyaasadeed ee soo kordhay iyo shirka gollaha wadatashiga Qaran.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com