Allbanaadir.com
NEWS

Hey’adda qoxootiga Norway oo  dhaqaale siineysa dadka sharciga loo diiday ee …

Sodonkii sano ee ugu danbeeyay oo Soomaalidu ay u qaxeysay daafaha caalamka, kumanaan kun oo dad soomaaliyeed ah ayaa magangalyo qoxootinimo, mid bini aadaninimo iyo mid siyaasadeedba ka helay dalalka caalamka, gaar ahaan Yurubta Galbeed iyo Woqooyiga Ameerika.

Dalalka ay Soomaalidu sida xoogan ugu qaxday sodonkii sano ee lasoo dhaafay, waxaa kamid dalka Norway ee dhaca cirifka Woqooyi ee qaaradda Yurub, kana mid ah dalalka la isku yiraahdo Nordica. Waxaana dalkaas xiligan kunool jaaliyad Soomaaliyeed oo lagu qiyaasayo ilaa 46.000 qof sida laga soo xigto hey’addaha tirokoobka dalkaas.

Xaaladda dadka sharci la’ aanta ku ah gudaha Norway:

Inkasta oo Soomaalidu ay guud ahaan nolol fiican oo lamid ah tan bulshooyinka kale ee ajaaniibta ah ay ku heystaan dalka Norway, waxaa hadana jiro tiro lagu qiyaaso boqolaal soomaali ah oo dalkaas kunool ah, kuwaas oo kamid ah dadka loogu yeero ajaaniibta aan sharciga ku heysan Norway ( Irregular migrants). Waxeyna dadkan oo kunool nolol aad u dhib iyo rafaad badan oo qarsoodi ah ay u badanyihiin dad Norway ka codsaday magangalyo qoxootinimo ama mid bini-aadantinimo, balse diidmo kama dambeys ah ka helay codsiyadooda, laguna amray inay dalkaas isaga baxaan, kuna noqdaan dalkoodii hooyo.

Caqabaddaha ugu waaweyn ee heysto dadka diidmadda kama dambeysta ah ka helay codsiga magangalyada,  balse wali sida dhuumaaleysiga ah ugu nool gudaha Norway, ayaa waxaa kamid ah ineysan wax xuquuq ah ku laheyn gudaha Norway, sida uu qabo sharciga ajaaniibta dalkaas. Arrintaas ayaa ka dhigan in dadkaas aysan ka shaqeyn karin gudaha Norway, wax ka baran karin ama xitaa aan loo ogoleyn inay kaalmo iyo daaweyn caafimaad ka helaan hey’ addaha caafimaadka Norway, marka laga reebo xaaladdaha deg-dega ah ee daran ee nafta qofka lagu badbaadinayo. Waxaana dadkan intaas usii dheer iney cabsi joogto ah iyo wel-wel maalinle ah ka qabaan  ku noolaanshaha dalkaas, maadaama xili walba ay jidka ka qaban karaan booliska Norway, ayna si qasab ah ugu tarxiili karaan Soomaaliya.

Fursaddaha shaqo ee kooban ee dadka sharci la’ aanta ku ah Norway ay qabtaan, ayaa waxaa kamid ah iney si qarsoodi ah oo suuq-madow ah ay uga shaqeeyaan maqaaxiyaha ay leeyihiin ganacstadda  Soomaalida ama ajaaniibta kale ah, meelaha baabuurta lagu nadiifiyo,  shaqooyinka kala duwan ee nadaafadda iyo dhaqmada la xiriira iwm. Waxeyna dadkaas ku shaqeeyaan mushaar aad uga yar tan ay ku shaqeeyaan dadka kale ee qabta shaqooyinka noocooda ah, waxaa sidoo kale xiliyada qaarkood dhacda in dadkaas ay la kulmaan tacadiyo badan oo la xiriiro shaqooyinka dhuumaaleysiga ah mushaarkooda ay ka helaan shaqada suuq-madowga ah, sida in loo diido mushaarkii ay shaqeysteen.

Xeerka heshiiska Dublin ee dalalka Yurub.

Dhibaatooyinkaas aan kor kusoo xusnay waxaa dadka diidmooyinka kama dambeysta ah ka heysto codsiyada magangalyada in aysan safar ahaan uga bixi karin gudaha dalkaas, maadaama aysan heysan waraaqaha safarka ama baasaboor sharci ah oo ay uga gudbaan xuduudaha dalalka kale ee Yurub, hadii ay kusoo aadaan bar kontorool. Saas oo jirto waxaa jirto in qaar badan oo dadkaas kamid ah si dhuumaaleysi ah uga gudbaan xuduudaha Yurub, ayna magangalyo weydiistaan dalalka kale ee qaaradda Yurub, sida Faransiiska, Jarmalka iyo Belgiumka. Dad badan oo dadka Norway ka tagay ah, ayaa mar kale diidmo cusub laga siiyaa codsiga magangalyada, maadaama ay faro ku leeyihiin ama kiiskooda magangalyada horey looga diiwaangaliyay Norway. Heshiiska Dublin-ka ee ay galeen dalalka Yurub, ayaa dhigaya in qof walba kiiskiisa lagu qaabilo dalka ugu horeeyo ee uu magangalyada weydiisto.

Marar badan waxaa dhacdo in qofkii horey sharci la‘aanta ugu ahaa gudaha Norway dib loogu soo celiyo dalkaas, kadib marka uu diidmo cusub ka helo codsiga magangalyada ee dalka Yurub ah ee uu tagay. Booliska ilaaladda xuduudaha Norway ayaa marka qofka lagu soo celiyo  Norway waxay ku xiraan xabsi kuyaal agagaarka garoonka weyn ee magaaladda caasimadda ee Oslo, maadaama uusan qofku wax ogolaansho sharci ah ama deegaan rasmi ah oo sharciyeysan uusan ku laheyn gudaha Norway, iyada oo isbuucyo kadibna qofka loo tarxiilo ama loo musaafuriyo dalkiisii hooyo ee Soomaaliya.

Dad badan oo dadka sharci la’ aanta ku joogo Norway kamid ah  ayaa sidoo kale ah waalidiin siyaabo kala duwan oo qarsoodi ah, kana baxsan nidaamka guurka sharciyeysan ee wadankaas ku dhalay caruur gudaha Norway. Balse dhibaatadda ugu weyn ee waalidaantaas qabsata, ayaa ah ineysan sharci ahaan sheegan kara waalidnimadda caruurtaas, maadaama uu qofku ka diiwaangashaneyn nidaamka dalka, uuna ka dhuumanayo hey’ addaha dowliga ah ee dalkaas. Arrintaas ayaa waalidiin badan oo dadkaas kamid ah ku qasabta ineysan sheegan xaqa waalidnimo ee ilmaha uu wadanka ku dhalay mudadii uu sharci la’ aanta ku joogay Norway.

Baaritaano caafimaad oo ay sameeyaan hey’ addaha xuquuqul insaanka iyo kuwa u dooda arrimaha qoxootiga dalka Norway, sida hey’ adda loo yaqaan NOAS ( The Norwegian Organization for Amylum Seekers ) ayaa muujinayo in qeybo badan oo kamid ah dadka loo diiday sharciga magangalyada, walina sida qarsoodiga ah ugu nool gudaha Norway, ay la ildaranyihiin xanuunadda ku dhaca dhimirka, gaar ahaan wel-welka, cabsida joogtadda  iyo cuqdad-nafsiga oo qofku ka shakiyo qof walba maadaama uu dhuumasho joogto ah uga jiro hey’ adaha dowliga ah iyo booliska Norway. Baaritinaadaas ayaa sidoo kale muujiyo, in wareysiyo laga qaaday qaar kamid ah dadka ay sharci la’ aantu ku qabsatay Norway ay lumiyeen kalsoonida shaqsiyeed iyo mida wax soo saar iyo intifaac ee qofka, taas oo dad badan dhaxalsiisa inay sanado badan oo noloshooda ah ku khasaariyaan go’aan qaadasho nololeed. Arrintan ayaa sida ay baaritaanadaas muujinayaan ka dhalatay xaaladda adag ee qofku ku noolyahay gudaha Norway, iyo sida uu mar walbe halis ugu jiro inay qabtaan booliska Norway, una tarxiilaan Soomaaliya.

Assisted return: Dib u noqosho ikhtiyaari ah oo Maalgalin dhaqaale wadata.

 Assisted return oo hadii af soomaali ahaan loo fasiro noqoneyso dib u noqosho ikhtiyaari ah oo maalgalin dhaqaale wadata, waa barnaamij ay maamusho hey’ adda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalka Norway(  The Norwegian Directorate of Immigration) ee magaceeda loo soo gaabiyo UDI, kaas oo loogu talagalay inay ka faa’ iideystaan dadka diidmada kama dambeysta ah ka helay codsiyada magangalyada ee wali ku sugan gudaha Norway ama dalalka kale ee Yurubta ah.

Anders Aakhus oo ah madax qeybeed katirsan hey’ adda UDI-da oo dhawaan wareysi siiyay Telifishiyinka qaranka Soomaaliyeed ee SNTVhttps://www.facebook.com/sntvnews/videos/703908737247870) ayaa sheegay in ujeedka dowlada Norway  barnaamijkan uu yahay in dadka diidmada ka heysto codsiyada magangalyada, ee wali sida sharci darada ah ugu nool gudaha Norway, kuna dhibaateysan la siiyo fursad ay si xor ah oo sharfan ugu noqdaan dalkoodii, lagana caawiyo howsha safarka ee dib u noqoshada dalkoodii, laga bixiyo tigidka diyaaradda iyo qarashaadka kale ee safarka, la siiyo lacag gacan qabsi ah oo gaareyso ilaa 1800 dollar. Waxaa intaas dheer in qofka loo sameeyo maalgalin dhaqaale oo gaareyso dhowr kun oo dollar, kadib marka uu qofku ku noqdo dalkiisii hooyo.

Anders ayaa dhanka kale sheegay in muhiimadda dowlada Norway ee barnaamijkan uu yahay in qof kasta oo ku dhiban, sharci la’ aanna ku ah gudaha Norway uu si xor ah ugu noqdo dalkiisii hooyo, intii uu si qarsoodi ah oo dhibaateysan ugu noolaan lahaa gudaha Norway, uuna noqon lahaa in qof nugul oo looga faa’ iideysan karo shaqooyinka suuq madowga ama arrimaha kale ee  amni darada la xiriira.

Hey’ adda agaasinka qoxootiga Norway ayaa dhamaan dadka soomaaliyeed ee diidmadda ka helay codsiyada magangalyada, walina sida qarsoodiga ah oo sharci daradda ah ugu nool gudaha Norway ka dalbaneyso inay lasoo xiriiraan hadii ay xiiseynayaa barnaamijkan ama ay su’ aalo ka qabaan. Sidoo kale wuxuu qofku la xiriiri karaa hey’ adda NOAS ee qoxootiga ama hey’ addaha DRC iyo IOM oo dowlada Norway kala shaqeeyo fulinta barnaamijkan.

 

UDI-Tlf: +47 404 36 196 ama e-mail:  varp@udi.no.

NOAS-Tlf:   +47 489 55 698 ama e-mail: veiledning@noas.org

IOM-Tlf-  +47 406 23 277   ama e-mail: iomoslovarp@iom.int

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Imaaraatka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Sanad guuradii 76aad ee asaaskii xisbigii xornima doonkii ee SYL Qore :- Dr. Abdulkadir Ali Bolay

admin

Ciidamada xasilinta oo saaka ka guuray qaar ka mid ah Wadooyinka Muqdisho

Caydiid Ali