Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Amar ku bixisay in uusan Muqdisho ka bixi karin taliyaha Ciidamada Badda

Wasiirka Amniga gudaha xukuumada Soomaaliya mudane C/llaahi Maxamed Nuur ayaa goordhaw qoraal uu soo saaray ku amray in magaalada Muqdisho uusan ka bixi karin taliyaha ciidamada badda Jen.Cabdixamiid Maxamed Dirir .

Qoraalka kasoo baxay wasiirka amniga gudaha oo loo diray Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu faray in aanu safri karin  Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya.

Wasiirka amniga guddaha ayaa ku sheegay qoraalka uu soo saaray in sargaalkan qorsheenayo in dalka ka baxsado, si uu uga fakado eedeymo iyo xadgudubyo loo heesto uu kula kacay madaxda Qaranka.

Waxaa sidoo kale taliyaha ciidamada badda Soomaaliya lagu eedeeyay in ay ku maqan tahay hanti dad shacab oo cadeymo leh taa oo la sheegay in uu diiday in uu dib ugu celiyo dadkii lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukuumada Somalia oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

DFS oo shaacisay in aan go’aan laga gaarin dalalka kamid noqonaya howlgalka AUSSOM

Cabdi Cade

Taliye cusub oo loo magacaabay qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---