Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka Muqdisho oo loogu baaqay in garab siiyaan Rooble kana hor yimaadaan Farmaajo

Waxaa mar kale meel sare gaaray khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxa uuna khilaafkan markan ku wajahan yahay habka loo wadayo doorashada.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho in ay garab istaagaan Rooble kana hortagaan  dhagarta uu Farmaajo maleegayo.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay musharaxa

aInqilaabka Farmaajo waa nabar la filaayey naxdin ma laha, waxaanse u baahannahay in aan isla garanno shantaan qodob;
 
1- In uusan Farmaajo dalka Madaxweyne ka ahayn, 10 bilna uu xafiiska sharci darro ku fadhiyo, ayna tahay in uu ka soo baxo Villa Somalia.
 
2- Golaha Wadatashiga Qaranka, wuu shiri jiryay, Farmaajana shaqo kuma lahayn shirkooda.
 
3- Sixitaanka iyo socodsiinta doorashada waa hawl madasha uu Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamiyo u taalla.
 
4- Muddo xileedkii Golayaasha Dawladda wuu dhamaaday, Aqalka Sare waa la soo doortay, Golaha Shacabka ayaa dhiman, Ra’iisul Wasaaraha ayaa leh awoodda xil-gaarsiinta ee ay ugu horreyso dhamaystirka doorashada iyo Amniga dalka, waana in uu xilka hayaa ilaa iyo inta doorashadu ka dhamaanayso, madaxda qarankana laga dooranayo.
 
5- Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, waa in ay RW Rooble, garab istaagaan, gaashaanna u noqdaan, si wadajir ahna uga hortagaan dhagarta uu Farmaajo maleegayo, iskana qabtaan calooshood u shaqaystayaalka uu adeegsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo garab istaag u muujisay dowlada & shacabka Marooko

Caydiid Ali

Madaxweyne Biden oo sheegay in Gebogebo marayo heshiis u dhaxeeya Xamaas iyo Israel

Cabdi Cade

Tirada dad ku dhintay folkano ka qaraxday buurta Semeru oo sii kordhaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---