Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa cadeeyay inaysan jirin xil ka qaadis lagu sameeyey gudoomiyaha guddiga iyo ku xigeenkiisa, ayna hawlahooda shaqo si rasmiya u wataan.
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer Federaal oo shir iskugu yimid ay shaaciyeen iney xilkii ka qaadeen Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, iyagoo ku eedeeyey qodobo ay ka mid yihiin inuu xadgudub joogto ah ku hayo guddiyada doorashada, inuusan wax wada-tashi ah la sameyn guddoonka iyo guddiga intiisa kale, inuu lumiyey madax banaanadii guddiga doorashooyinka isla markaasna uu baal-maray xeerarkii guddi hoosaadka u yaalay iyo habraacii guud ee doorashada Dalka iyo qodobo kale.
Balse War saxaafadeed goor dhow lagu daabacay barta facebook ee guddiga doorashada heer federaal ayaa lagu beeniyey warkaas, kaasoo lagu sheegay in Guddoomiyaha guddiga iyo ku-xigeenkiisa ay si caadi ah u wataan howlahooda.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga ayaa lagu yiri “Waxaan bulshada Soomaaliyeed u sheegaynaa in guddiga doorashada lagu hayo fara gelin ka imanaysa dhinacyo siyaasadeed, taasoo dhibaato ku ah shaqada guddiga, doorashada iyo hufnaanteed.
HOOS KA AKHRUSO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN..