Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax laga bedelo Heshiiska Doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay aas aaska ciidanka booliiska ayaa ka hadkay doorashada dalka ka bilaabatay iyo khilaafaadka ka jira.

Farmaajo ayaa sheegay in doorashada gollaha shacabka ka bilaabatay dalka, waxa uuna ugu baaqay Raisul Wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada in la dedejiyo doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaana ka digay in wax ka bedel lagu sameeyo heshiiska doorashada ee la gaaray 17 september , waxa uu sheegay in heshiiskaasi horey loo saxiisay dhib badana laga soo maray uuna yahay hada mid lama taabtaan ah.

Waxa uu ugu baaqay Farmaajo madaxda dowlad goboleedyada iyo Raisul Wasaaraha in ay ka shaqeeyaan sidii loo sixi lahaa khaladaadka yar yar ee ka jira doorashada gollaha shacabka .

Hadalka Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili la filayo gollaha wadatashiga qaran in magaalada Muqdisho isugu yimaadaan shir looga arinsanayo doorashada ayna suurto gal tahay in wax laga bedelo heshiiskii 17ka september oo dhigayay in doorashada ka dhacdo min labo magaalo oo katirsan dowlad goboleedyada.

Related posts

Maxkamad mar kale amartay in la soo xiro Raisul Wasaarihii hore ee dalka Pakistan

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan Ahlu Sunna oo nolosha lagu qabtay iyo Galmudug oo ka hadashay

Cabdi Cade

Nin dilay hooyadiis, jarjaray, kaddibna cunay oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---