Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiligan ka qeyb galaya Munaasabadda Xuska 78 guurada ka soo wareegtay Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Munaasabadan ayaa ka socoto xarunta Akadeemiyada Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale munaasabada goobjoog ah Wasiiro katirsan Xukuumada ,saraakiil ciidan iyo marti sharaf kala duwan.
Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaana la filayaa in munaasabada ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo munaasabadan iyo sidoo kale ka hadlo arimo kale oo khuseeya xaalada Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com