Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo ka hadlay dagaalkii Boosaaso amar cusubna siiyay ciidamada

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,oo caawa Telefishinada iyo Warbaahinta Bulshada si toos ah ugala hadlay dadweynaha, ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada, amniga iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliyeed.
 
Madaxweynaha ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, wuxuu amray dhammaan Ciidamada Puntland in aysan mardanbe dhicin xabad, isagoo ugu baaqay shacabka Puntland in ay isdejiyaan Dowladda oo u tureysana ay fursadsiinayso nabadd in wax lagu dhammeeyo.
 
Dadkii ay saameeyeen shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, ayuu Madaxweynuhu la wadaagay dareenkooda iyo in uu ka xunyahay in Agaasimihii hore ee PSF uu xaafadaha magaalada ku duqeeyo Hoobiyeyaal, arrintaasi oo mustaqbalka u baahan baaritaan sax ah.
 
Wuxuu Madaxweynuhu faray Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka howlgalay gurmadka iyo garab istaagga dadka barakacay in ay dhakhso loo gaarsiiyo gurmadka loona fududeeyo Sidii dadku ugu laaban lahaayeen guryahoodii iyo noloshoodii caadiga aheyd.
 
Madaxweynaha Puntland ayaa ugu danbeyn Bulshada la wadaagay in Dowladda Puntlaand ay u taagantahay kala danbeynta, sareynta Sharciga iyo awooda Dastuuriga ah ee lagu heshiiyay, Sidaasi oo ay tahayna ay Puntland diyaar u tahay Soona dhoweysay dadaalka nabadeed ee Isimada iyo Waxgaradka Puntland ay billaabeen, Iyadoo Dowladdu siinayso nabadeyntaasi fursad fiican .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiinta Mucaaradka oo ku kala qeyb samay Dagaalka Siyaasadeed ee Farmaajo kaga soo horjeedaan

Cabdi Cade

(Akhriso) Shiikh Shaakir oo u digay ciidamada DF ee ay tababareen Maraykanka & Turkiga

Caydiid Ali

Qofkii ugu horreeyay oo dalka Kenya ugu geeriyooday xanuunka Mpox

Cabdi Cade
Taboola Ads ---