Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo amar cusub siisay Ciidamada dagaalka kula jira TPLF

Ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka taageersan ayaa hormaro balaaran ka gaaray dagaalka ay kula jiraan ciidamada TPLF ee horey qabsaday magaalooyin iyo deegaano kuyaala gobolada Canfarta iyo Amxaarada.

Ciidamada huwanta ah ayaa dib ula wareegay magaalooyinkii iyo deegaanadii TPLF ka joogeen gobolada Canfarta iyo Amxaarada, waxa ayna ciidamada hada isku dayayaan in ay galaan gobolka Tigrey .

Madaxa warfaafinta Itoobiya Dr Legesse Tulu, ayaa sheegay in madaxda sare ee dalka ay go’aamiyeen in ciidamada federaalka aysan geli gobolka Tigrey ayna ku ekaadaan xadka gobolada Canfarta iyo Amxaarada la leeyihiin gobolka Tigrey.

Waxa uu sheegay Legesse Tulu, in go’aankan uu yahay mid KMG ah, waxa uuna cadeeyay in la gaaray hadafkii koowaad ee laga lahaa, taas oo ahayd in TPLF laga xoreeyo meelihii an qabsadeen.

Madaxa warfaafinta Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka cusub marka ay ku habboontahay la qaadi doono talaabo kasta oo laga maarmaan ah ,waxa uuna xusay inta ka horeysa ciidanka laga illaalinayo in uu wax dhib ah soo gaaro.

Warkan kasoo baxay dowlada Itoobiya ayaa imaanaya xili Hogaamiyaha TPLF horey ugu amray ciidamada Tigrey in ay kasoo baxaan gobolada Canfarta iyo Amxaarada ayna yimaadaan xadka Tigrey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo heegan sare gelisay ciidankeeda iyo amniga dekeda Garacad oo la xoojiyey

Caydiid Ali

DEG DEG: Israel oo duqeysay Isbitaalka Gaza iyo Boqolaal ku dhimatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Soomaali ah oo Shaqadiisa ku waayay cod laga duubay oo lagu baahiyay Baraha bulshada!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---