Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka oo taageero u muujiyey talaabo uu qaaday Raisul Wasaare Rooble

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa looga hadlay shirka dhawaan ay magaalada Muqdisho ku yeelan doonaan madaxda golaha wadatashiga qaranka ee ku baaqay RW Rooble.

“Waxaan soo dhoweyneynaa qorshaha lagu qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dedejinta hanaanka doorashada” ayaa lagu yiri Qoraalka

Sidoo kale safaarada ayaa qoraalkeeda ku tiri “Waxaan ka rajeyneynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay saxaan khaladaadka la arkay si loo xaqiijiyo in natiijooyinka doorashada ay helaan taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed,”

Talaabadan ayaa ku soo aadaysa xili xubnaha Beesha Caalamka iyo midowga musharixiinta ay walaac xoogan ka muujiyeen hanaanka ay ku socoto doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Booliiska Canada oo xiray saddex nin oo ku eedeysan Dilka nin hoggaamiye ahaa

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday ciidamo katirsan AMISOM iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ganacsade Elon Mask oo Internet Setalite ah ugu deeqay Magaalada go’doonsan ee Gaza

Caydiid Ali
Taboola Ads ---