Golaha wasiirrada Koofur Galbeed oo maanta kulankooda todobadlaha ahaa ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa ansixiyay miisaaniyadda maamulkaas ee sanadka 2022
Miisaaniyadan oo gaaraysa $30,000,000 oo dollar, taasoo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Koonfur galbeed ayaa waxaa dood dheer ka dib cod gacantaag ah ku ansixiyey xubnaha wasiirada K/Galbeed.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), waxaana la sheegay in miisaaniyada sanadkan ay ka badan tahay tii sanadihii hore.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyey xubnaha golaha wasiirada Galmudug talaabada ay ku ansixiyeen miisaaniyada sanadka 2022.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com