Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu.
 
Rooble iyo Workeneh Gebeyehu ayaa kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo urur goboleedka IGAD magaalada Muqdisho ka furatay.
 
Xaruntan IGAD Caasimada Soomaaliya ka furtay ayaa la sheegay in ay taageeri doonto hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abwaankii Al Shabaab isku dhiibay oo la sheegay in uu qabay ciil iyo carro xooggan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Warbixin siiyay u golaha Wasiirada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xisbiga Jamhuuriga oo gaaray guul hoos u dhigeysa awoodaha Madaxweyne Biden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---