Allbanaadir.com
NEWS

Gabar u Shaqeysa Warbaahinta dowlada oo lagu dhaawacay Muqdisho

Gabar Wariye ah oo katirsan Warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta lagu dhaawacay magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Isgooska Dabka ee Wadada Maka Al Mukarama.

Sida aan Wararka ku heleyno gabadha Wariyaha oo lagu magacaabo Farxiyo Mire Maxamuud ayaa labo xabadood lagu dhuftay, waxaana loola cararay dhaawaca gabadhan mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho.

Dad ku sugnaa halka lagu dhaawacay gabadha Wariyaha ayaa sheegay in ciidamo katirsan booliiska ay xireen ninkii dhaawaca u geestay gabadha Wariyaha, lamana oga wali waxa uu salka ku hayo dhaawaca loo geestay Gabadhan Warbaahinta dowlada u shaqeyneysay.

Wasaarada Warfaafinta iyo Laamaha amaanka ayaan wali ka hadlin Wariyaha Muqdisho lagu dhaawacay, waxaana falkan uu imaanaya xili mudooyinkii dambe ay yaraadeen beegsiga Wariyaasha Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Soomaali ah oo sanado ku xirnaa Jaziirada Siishilis oo Xabsi laga sii daayay

Cabdi Cade

Daawo Sawirro: Dowlada Somalia oo ku dhawaaqday Guddi iskaashi toos ah iyo Wada shaqeyn la sameenaya…

Cabdi Cade

Madaafiic kusoo dhacday qeybo kamid ah Muqdisho xili ay wadooyinka xiran yihiin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---