Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa goordhaw war qoraal ah ay soo saareen waxa ay ku taageereen kuna soo dhaweeyeen shirka golaha wadatashiga qaran ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Qoraalka kasoo baxay golaha wadatashiga qaran ayey ku bogaadiyeen dedaalada uu wado Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee lagu saxayo doorashada golaha shacabka.
Gollaha midowga musharaxiinta ayaa rajo ka muujiyay in si wadajir ah looga gudbo caqabadaha hortaagan sii socoshada doorashada golaha shacabka ayna noqoto doorashada mid daah furan oo lagu kalsoonaan karo.