Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo barakac muwaadiniin aan waxba galabsan.
Madaxweynaha oo ku kalsoon xilkasnimada iyo garashada isimada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan laga maarmi karey, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryayaa inuu degdeg ugu booga dhayo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhiirrigelinayaa dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland.
Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay seminaar ay iska kaashadeen qeybta daraasaadka sare ee Jaamacadda Benadir iyo Isbitaalka taqasusiga ah ee Dufle, kaasoo looga hadlay cudurka Soomaalidu u taqaano Laabjeexa, afka qalaadna lagu yiraahdo (Gastroesophageal Reflux Disease -GERD).
Seminaarkan oo ay ka faa’iideysteen qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Benadir iyo Jaamacadaha kale ee dalka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Masuuliyiinta sare ee Jaamacadda, aqoonyahano iyo xubno kale.
Prof.Dr.Senator Cusman Maxamud Dufle oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed, ahna Madaxa qeyb daraasaadka sare ee Jaamacadda Benadir oo seminaarkan ka bixiyey cashar ayaa si faahfaahsan uga hadlay cudurka Laabjeexa iyo dhibaatooyinka uu ku hayo bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba, isagoo sharaxaad dheer ka bixiyey sababaha keena, qaabka ugu haboon ee looga hortegi karo iyo daweyntiisa.
“Laabjeexa cudurka Soomaalidu u taqaano waa cudur ka dhasha cuntada caloosha gasha oo dib u soo butaacda, waa holac ku dhaca laabta illaa kor, wuxuuna xiriir la leeyahay cudurka kale ee Gaastiriiga. waxaa kaliya ee looga hortegi karaa in la qaato talooyinka dhaqaatiirta, la iskana ilaaliyo waxyaabaha sababi kara” ayuu yiri Prof. Dufle oo intaas ku daray in bahda caafimaadka uu mar walba xil ka saaran yahay iney bulshadooda ka wacyi geliyaan cudurada dhibaatada ku haya Caafimaadkooda.
Gudoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xassan (Biday) oo ka hadlay munaasabada ayaa ka waramay faa’iidooyinka ay leeyihiin seminaarada noocan ah iyo sida loogu baahan yahay iney ardayda uga faaiideystaan, isagoo Prof. Dufle uga mahad celiyey sida uu waqtigiisa ugu huray sidii uu khibradiisa iyo aqoontiisa ula wadaagi lahaa jiilka soo koraya.
Waxaa Sidoo kale munaasabadan hadalo iskugu jiray soo dhoweyn, baraarujin iyo mahad celin ka jeediyey Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Benadir Dr. C/raxmaan Xassan Cumar, Xiriiriyaha qeybta Dasaaraadka sare Cali Aadan Xassan iyo xubno kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com