Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Odawaa oo magacaabay Guudi baara Kiiska Dhul boobka ee Rooble lagu eedeeyay

Taliyaha ciidanka Xoogga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge ayaa magacaabay guddi ka kooban saraakiil ciidan oo baaritaan ku sameeya kiiska dhul boobka ah ee dhawaan lagu eedeeyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay Jeneraal Odawaa ayaa lagu magacaabay ilaa shan sargaal oo baaritaano ku sameeya kiiska ku aadan dhulka uu leeyahay taliska ciidanka Badda ee Soomaaliya ee la sheegay in la boobayo lana dhisanayo.

Saraakiisha loo saaray in kiiskaan baaraan ayaa waxaa ku jira taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dhaw Farmaajo, waxa ayna saraakiishan baarayaan in Rooble ku lug leeyahay dhul boobka.

Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliya oo dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Rooble in uu boobayo dhul uu leeyahay Ciidanka Badda, waxaana eedeyntan la tuhmaya ain Madaxtooyada oo khilaaf kala dhaxeeyo Rooble gadaal ka riixeyso.

Halkan ka Akhriso Guddiga Baarista uu magacaabay Odawaa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliyeed oo goordhaw bilaabatay

Cabdi Cade

AMISOM oo shaacisay tirada askarta looga dilay Weerarkii ka dhacay Buula Baruur

Cabdi Cade

Qatar oo la sheegay in Fahad Yaasiin u adeegsaneyso arin halis ku ah Qaranimada Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---