Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Xubno ka tirsana Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowlada

Saddex ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa maanta isku dhiibay ciidanka Nabad sugidda Qaranka ee ka howlgalla magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Magacyada raggan isa soo dhiibay ayaa lagu kala sheegay Cali Cabdullaahi, Cabdullaahi Xasan Maxamed iyo Axmed Cabdullaahi Maxamed.

“Waxay sheegeen inay u adkeeysan waayeen dhibaatooyinka argagixisada Al-Shabaab u geystaan shacabka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka NISA oo la hadlay warbaahinta.

Taliyaha Nabad sugidda Degmada Jowhar Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay soo raacaan dhabaha ay mareen saaxiibadooda, ayna isku soo dhiibaan dowladda, isagoo u balan-qaaday iney heli doonaan daryeel iyo dhaqancelin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Laascaanood iyo Somaliland oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Nin Qorsheeyay fulinta qarax oo lagu qabtay Kampala iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Tirada laga dhigayo golaha Wasiirada oo khilaaf ka jiro iyo Magacaabista Wasiirada oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---