Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa xarunta aqalka dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.
Kulankaan dhax maray Cumar Filish iyo Gudoomiye Cirro ayaa loogu hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa guud ahaan doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka bilaabatay qeybo kamid ah maamul goboleedyada iyo Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho u balan-qaaday guddiga doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aadan kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso Gobolka Banaadir.
Muqdisho ayaa lagu doortay qaar kamid ah Xildhibaanada gollaha shacabka ku matalaya gobolada waqooyi, waxaana la filayaa in dhawaan sidoo kale Muqdisho ka bilaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ku matalaya beelaha Banaadiriga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com