Allbanaadir.com
NEWS

Taliska PSF oo goordhaw war xasaasi ah kasoo saaray dagaalka Boosaaso

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay taliska ciidamada sida gaarka ah u tababaar ee PSF ayaa looga hadlay dagaalkii labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

PSF warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ee ka amar qaata madaxweyne Deni wererar gardaro ah kusoo qaadeen , waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen Puntland in ay diideen go’aanadii kasoo baxay Isimada Puntland.

Taliska ciidamada PSF ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale sheegay in dagaal kula jireen kooxaha argagaxisad, waxa ayna xuseen in argagaxisadii ay dadka ka difaacayeen iyaga oo xasaanad wata duulaan kusoo qaadeen.

Halkan ka Akhriso warka kasoo baxay Ciidamada PSF

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiil Soomaaliyeed oo kaalinta koobaad ka galay Tartan Quraan oo lagu qabtay Imaaradka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Trump oo soo rogay xeer ka nixiyey qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Maraykanka

Caydiid Ali

Dagaal beeleed dhiig badan ku daatay oo maalintii labaad ka socda deegaan katirsan gobolka Mudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---