Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo aqbashay Xabad joojin Hanjabaad adagna u dirtay Ciidanka PSF

Dowlad goboleedka  Puntland ayaa aqbashay xabad joojin ka dhaqan gasha magaalada Boosaaso, kadib dagaal xoogan oo dhiig badan ku daatay oo shalay iyo maanta ka dhacay qeybo kamid ahy magaalada Boosaaso.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo goordhaw Warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in diyaar u yihiin xabad joojinta ay ku baaqeen Isimada iyo ganacsatada Puntland.

Waxa uu sheegay Wasiir Gallan in maleeshiyaad ka amar qaata taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka PSF ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Puntland, waxa uuna masuuliyada khasaarihii ka dhashay dagaalka dusha uga tuuray Maxamuud Diyaano iyo ciidankiisa.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa sheegay in awoodaan inay meesha ka saaraan dhinaca kasoo horjeeda ayna heystaan hub badan oo lagu soo afjari karo, balse ay u turayaan Shacabka Boosaaso oo ay kasoo horjeedaan in dushooda lagu dagaalamo.

Gallan ayaana ugu hanjabay dhinaca kasoo horjeeda hadii ay xabad joojinta qaadan waayaan in tallaabo ka qaadi doonaan, waxa uuna sheegay in ciidanka Puntland ay soo afjari karaan kooxda kasoo horjeeda uu ku tilmaamay qowleesato.

Dhinaca Hogaankii hore PSF Jen Maxamuud Cismaan Diyaano ayaan wali ka hadlin xabad joojinta ay soo jeediyeen waxgaradka iyo bulshada Puntland ayna aqbaleen dhinaca Puntland, waxaana la filayaa in dhankooda ay arintan ka hadlan.

Dagaal culus oo shalay iyo maanta magaalada Boosaaso ku dhax maray ciidamada Puntland ee ka amar qaata Madaxweyne Deni iyo ciidamo katirsan PSF ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab iyo qaar kamid ah ciidamadii dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal ay ku lug lahaayeen ciidamada Itoobiya oo ka dhacay degmada Waajid

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo furay Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Wakiiladda Jubbaland kana hadlay arrimo dhowr ah

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in xilkii laga qaaday Taliyihii ciidanka ilaalada Raisul Wasaare Rooble?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---