Allbanaadir.com
NEWS

Dad isku qoys ah iyo Wadaad Caan ahaa oo saakay ku dhintay Dagaalka Boosaaso

Dagaalka maalintii labaad ka socda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobolka Bari ayaa sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oon waxba galabsan.

Wararka aan ka heleyno Boosaaso ayaa sheegaya in dagaalka saakay mar kale ka qarxay magaaladaasi ku dhinteen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafado katirsan magaaladaasi, dadkaasi ayaana haleeshay madaafiic iyo rasaasta la is dhaafsanayay.

Guri kuyaalla agagaarka Masaajidka Salmaan Alfaarisi ee Magaalada Boosaaso ayaa saakay waxaa ku dhacay madfac waxaana ku geeriyooday sadex ruux oo isku qoys ahaa oo isugu jiray Oday, Gabar iyo Wiil.

Waxaa sidoo kale madfacaasi ku dhacay xaafada katirsan magaalada Boosaaso ku geeriyooday Sheekh Xuseen Mukhtaar Afrax Suudaani oo ahaa wadaad caan ah oo Cashirka Tafsiirka ka akhrin jiray Masaajiidka Salmaan Alfaarisi.

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada kawada tirsan Puntland ee kala taabacsan Deni iyo Diyaano ayaa sababay dhimasho dad badan oo shacab ah, waxaana laga cabbsi qabaa in dagaalka sii xoogeesto uuna dhaliyo khasaaro badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

 Odayaal iyo Haween Xildhibaano doortay oo cafis loo fidiyay lana soo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Aabaha dhalay Gabadhii Darteed loo gubay Axmed Dowlo oo Fariin Xasaasi ah soo diray

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Halgan kasta oo xalaal ah laguma guuleysto ilaa la huro Naf iyo Maal”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---