Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal culus oo saakay ka socda magaalada Boosaaso iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Waxaa saakay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari mar kale ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland ee taabacsan Madaxweyne Deni iyo ciidamada PSF ee taageersan taliyihii hore ee ciidankaasi Jen Maxamuud Diyaano.

Dagaalka oo ah mid xoogan oo la isku adeegsanayo hub nuucyo kala duwan leh ayaa xoogiisa ka socda xaafada Ridwaan, waxaana dagaalka saakay dib u qarxay markii waagu baryay oo salaada subax la dukaday.

Dadka ku haray xaafadaha dagaalku ka socdo ayaa dhulka xabadka ku haya kuwaa oo go’doon ku ah xaafadaha qaar , waxaana jira dad kale oo saakay aroor hore aaga dagaalka ka cararay si naftooda uga bad baadsadaan.

Dadaalo lagu doonayay in xabada lagu joojiyo ayaa guul dareestay, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka sii xoogeesto uuna ku faafo qeybo hor leh oo katirsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ciidamo badan oo gurmad ah oo taabacsan Madaxweyne Deni ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Boosaaso, waxaana magaaladaasi u muuqataa mid dagaal oo inta badan dadkii degnaa ka barakaceen.

Dagaalkii shalay waxaa ku dhintay dad ka badan 10-qof halka dhaawacyaduna intaas ka badan yihiin, lamana oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay dagaalkan saakay mar kale dib uga qarxay magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cali Jeyte oo hoggaaminaya ciidamo si toos ah u hoos tagaya madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Maxay qoyska Ikraan Tahliil ka yiraahdeen guddiga uu Farmaajo Magacaabay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---