Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo heshiis Muhiim ah kala saxiixday (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa magaalada Rome oo uu safar shaqo ku joogo waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) kula saxiixday Madaxweynaha Hay’adda Med-Or Leonardo Foundation Mudane Marco Minniti, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee tacliinta sare iyo dhaqanka.
 
Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan in labada dhinac ay iska kaashadaan horumarinta tacliinta sare iyo dhaqanka, iyada oo ardayda, Shaqaalaha Dowladda iyo Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loo fidin doono deeqo waxbarasho iyo tababarro sare oo ay ku qaadan doonaan dalka Talyaaniga.
 
Munaasabadda Heshiiskan Is-afgaradka ah lagu saxiixayey waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga Mudane Luigi Di Maio iyo Wasiirka Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abukar Xaaji.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Shuruudo adag ku xiray in shirka DF iyo Maamulada lagu qabto Muqdisho !!

Cabdi Cade

Nooca cusub ee cudurka Coronavirus oo caalamka ku sii fidaya & walaac laga muujiyey

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo isbedel ballaaran ku sameeyey Golihiisa Wasiirada (Akhriso Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---