Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Mareykanka oo War ka soo saartay dagaaladii maanta ka dhacay Boosaaso

Mareykanka ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka maanta ka qarxay magaalada Booaaaso ee gobolka bari kaasoo u dhexeeya ciidamada PSF iyo kuwa daraawishta Puntland.

Safaarada Maraykanka ee magaalada Muqdisho oo war kooban soo saartay ayaa ku baaqday in la wada hadlo, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo miiska

Qoraalka oo lagu daabacay barta safaaradu ku leedahay Twitterka ayaa sidoo kale lagu sheegay inaan la aqbali karin xaaladda ka taagan Magaalada Boosaaso. loona baahan yahay dhinacyaa ay quseyso iney xal nabadeed raadiyaan.

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso kaasoo u dhexeeya ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo ciidamada la dagaalanka PSF ee maraykanku u tababaray la dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish

Dagaalka ayaa ka bilaabmay saaka agagaarka xarunta unugga PSF, waxaana la maqlayey rasaasta culus iyo duqayn.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku naf waayey dagaalkii saaka halka 15 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo u badan dhinacyada dagaalamay sida aanu ka soo xiganay ilo xog ogaal ah oo ku sugan Boosaaso.

Dagaalkan ayaa imanaya kadib muran tododbaadyo u dhexeeyay maamulka Puntland iyo taliska PSF kaasi oo ka dhashay markii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu xilkii ka qaaday taliyaha ciidanka PSF Sarreeye Guuto Maxamuud Cusmaan Diyaano 24-kii Nofember. Taliyaha ayaa diiday xil ka qaadistiisa, taasi oo keentay is horfadhi ka bilowda magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi ugu baaqay Dowlada Qadar in ay joojiso isku dayga Mudo kororsiga Madaxda DF

Cabdi Cade

Toogasho kale oo ka dhacday magaalo kutaala dalka Mareykanka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Israel oo galabta duqeyn ku xasuuqday qoys ka badan 50 qof oo hal dhisme ku jiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---