Dagaalkii ka socday magaalada Boosaaso ee u dhexeeyey ciidamada PSF iyo kuwa daraawiishta Puntland ayaa la soo sheegayaa inuu galabta yara qaboobay inkastoo rasaas goos goos ah weli laga maqlayo meelaha qaar.
Xaalada magaalada ayaa weli cakiran, dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isku socodka ayaa weli hakad ku jira, iyadoo xaafadaha qaar ee dagaalku saameeyey ay dadku ka barakacayaan.
Ciidamo la sheegay iney gurmad u yihiin kuwa daraawiishta ee ka amar qaata Madaxweyne Deni ayaa la soo sheegayaa iney gaareen magaalada Boosaaso, kuwaasoo laga cabsi qabo iney dagaalka sii huriyaan.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku naf waayey dagaalkii saaka halka 15 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo u badan dhinacyada dagaalamay sida aanu ka soo xiganay ilo xog ogaal ah oo ku sugan Boosaaso.
Dowlada Soomaaliya ayaan weli ka hadlin dagaalka ka qarxay maanta magaalada Boosaaso, iyadoo maamulka Puntland uu ku eedeeyey dowlada iney ku lug leedahay dagaalkaas.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay Baydhaba ku sugnaa ayaa Galabta la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Garoowe.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com