Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Madax goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada dalka kaasoo ka dhacaya magaalada Muqdisho sida lagu sheegay qoraal ka soo baxayy xafiiskiisa.

“Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ku casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka in ay isugu yimaadaan shir 27-ka bishan December, 2021 ka dhici doona magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in shirkan looga arrinsanayo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa waxaa saaran cadaadis kaga imanaya dhnacyo kala duwan kaasoo la xiriira in wax laga qabto doorashada sida qaawan loo boobayo ee ka bilaabatay maamul goboleedyada qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiradda Dagaalka Israa’iil oo ku kala qeybsan Jawaabta laga bixinayo Weerarkii Iran

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Heer Qaran ee Garowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka amniga oo War cusub ka soo saaray shaqaaqadii garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---