Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milatariga Itoobiya oo gudaha u galay gobolka Tigrey lana wareegay magaalo muhiim ah

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada federaalka Itoobiya hormaro balaaran ka gaareen dagaal saacadihii lasoo dhaafay la galeen xoogaga TPLF ee dagaalka xoogan kala soo horjeeda.

Warbaahinta taageerta dowlada Itoobiya ayaa baahiyay in ciidamada federaalka gudaha u galeen Gobolka Tigrey ayna la wareegeen magaalada Alamata oo kutaaala koonfurta gobolka Tigrey.

Warkan la baahiyay ayaa hadii uu xaqiiqo noqdo waxa ay guul weyn u tahay ciidamada federaalka Itoobiya oo bilooyin kadib cagta saaray deegaanada gobolka Tigrey, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay sii wiiqaan awooda xooggaga TPLF oo dib u gartay.

Ciidamada Itoobiya ayaa horey xooggaga Tigrey uga soo saaray magaalooyin iyo deegaano dhoor ah oo kuyaala gobolada Canfarta iyo Amxaarada ay horey u qabsadeen, waxaana guulahan ciidamada gaareen timid kadib markii Abiy Axmed dagaalka ku biiray.

Hogaamiyaha Tigrey ayaa ku amray ciidamada Tigrey in ay kasoo baxaan goobaha ay ka joogaan gobolada Tigrey iyo Amxaarada ayna isugu yimaadaan xadka, waxa uu sidoo kale hogaamiyaha Tigrey dalbaday wadahadal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afhayeen cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Amniga Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali

Booliska DF oo sheegay in 11 qof loo xiray falkii lagula kacay ciyaartoyda K/Galbeed

Caydiid Ali

(Akhriso) War murtiyeed ka soo baxay shir Wasiirada amniga DF & dowlad goboleedyada ugu xirmay Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---