Haweeney askari ah oo katirsan ciidanka dowlada Nageria ayaa xabsiga la dhigay kadib markii guur ka aqbashay nin dhalinyaro ah oo xiriir kala dhaxeeyay oo meel dad badan joogaan guur kaga dalbaday askariyada.
Baraha bulshada muuqaal lagu baahiyay ayaa lagu arkayey nin dhalinyaro ah jilba joogsaday oo askariyadda oo shaqo ku jirtay hor fadhiya guurna ka dalbanaya, waxaana askariyada durba ka aqbashay guurka wiilkaasi ka dalbaday.
Afhayeenka ciidamada General Clement Nwachukwu, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in la xiray askariyada dalabka guurka ka aqbashay wiilka ka codsaday xili ay dareeska ciidanka xirneed kuna jirtay shaqo maalmeedkeeda caadiga ah.
Waxa uu afhayeenka ciidanka ku eedeeyay haweeneyda askariyada ah in ay ku xadgudubtay xeerka ciidamada u yaalla ee dhigaya in askarta gaar ahaan dumarka iyaga tuutaha ciidanka xiran iney jaceyl jili karin guurna aqbali karin.
Afhayeenka ciidamada General Clement Nwachukwu ayaa sidoo kale ku eedeeyay askariyadda la xiray iney ku xadgudubtay anshaxa askarta gaar ahanna isticmaalka baraha bulshada.
Dad badan oo ku jiraan kuwa u dooda xaquuqda dumarka ayaa si weyn u cambaareeyay talaabadan lagu xiray gabadha askariyada ah ee guurka aqbashay, waxa ayna dowlada ugu baaqeen gabadhaasi in xabsiga laga sii daayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com