Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gen. Cabdixamiid: “Raisal Wasaare Rooble ayaa boobaya dhulkii ciidanka Badda”.

Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliyeed Gen. Cabdixamiid Dirir ayaa ku eedeeyey RW Rooble inuu boob ku hayo dhul ay ciidankaas ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Gen. Cabdixamiid Dirir oo hadalkiisa lama filaan ku noqday dad badan ayaa ayaan daro ku sifeeyey in madaxda Qaranka qaarkood uu hunguri ka galo dhul dan guud ah oo loogu talo galay in bulshada loogu adeego sida uu yiri.

“Waxaa nasiib daro ah in ciidankii badda dhulkiisii oo loogu talo galay iney umadda ugu adeegaan in dan shaqsiyadeed loo qaato, iyadoo laga dhisanayo guryo lagu raaxeysto taasoo ay hormuud u yihiin madaxda ugu sareysa Qaranka oo uu ugu horeeyo raisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble” ayuu yiri yiri taliyaha ciidanka Badda.

Waxaa uu intaas ku daray inaan la aqbali karin in dan shaqsiyadeed loo qaato hantida maguurtada ah ee u hartay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayna arrintan ogeysiinayaan madaxda sare ee qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu xusay iney u dhaarteen ilaalinta danahooda.

Allbanaadir Online ma xaqiijin karto xaqiiqada waxaa ka jira hadalkan ka soo yeeray taliyaha ciidanka Badda, hase ahaatee xogo madax banaan oo la helayo ayaa sheegaya in talaabadan ay tahay aargoosi siyaasadeed oo uu ka dambeeyo Madaxweyne Farmaajo oo ka carooday xubnihii Rooble uu xilalka ka qaaday ee ka tirsanaa Gudigii xalinta khilaafaadka doorashada.

 

Related posts

Munaasabad Xil wareejin ah oo maanta ka dhacday xarunta Aqalka Sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Xubno ka tirsan Al Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Jubbada hoose

Caydiid Ali

210 qof oo lagu dilay howlgalka Israa’iil ku soo furatay afarta la heyste (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---