Hogaamiyaha xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur ayaa ka jawaabay hadalkii lagu durayey Midowga Musharaxiinta ee xalay ka soo yeeray madaxweynaha Puntland.
“Dadka dhahaya goleyaal hala dhiso waxa ay dib noogu celinayaan teendhadii Carte, waana arrin qatar ah, aniga waan qabaa in wixii qaldan la soxo, meel ay hawl ka socotana wax waa qaldamayaan” ayuu yiri Deni
Deni ayaa u muuqda inuu gaashaanka u daruuray aragti ay ku baaqeen qaar ka mid ah Midoowga Musharixiinta kaasoo ahaa in la isugu yimaado shirweyne qaran oo looga arrinsanayo dowladnimada Soomaaliya.
C/raxmaan C/shakuur oo daba taagan hadala Deni ayaa sheegay in mar hadii doorashadii ay isku bedeshay boob aysan jirin wax diidaya in dalka loo sameeyo gole badbaado Qaran.
“Haddii shalay Golihii Badbaado Qaran loo dhisay in lagu hor istaago muddo kordhintii Farmaajo, qaar ka mid ah Dawlad Goboleedyada iyo guddoomiyaha Aqalka Sare qayb ka ahaayeen, maanta maxaa diidaya in la dhiso Gole Qaran oo boobka doorashada looga soo horjeedo? Waxaa looga fursan karaa in la qabto doorasho hufnaan iyo daahfuran leh oo natiijadeeda lagu qanco” ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Wadajir.
Mar sii horeysay, midowga Musharixiinta ayaa dhammaan dowlad goboleedyada ku eedeeyay iney si cadaalad daro ah u maamuleen doorashada labada Aqal ee baarlamaanka.