Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Iran oo ka hadashay caqabadaha hortaagan iney la heshiiso Sacuudiga

Iran ayaa sheegtay in wadahadal dhexmara sucuudiga iyo Iran uu ku xiran yahay hadba sida Sacuudigu uu arrintaas uga dhabeeyo.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, Khadiib Saadah ayaa intaas ku daray in xukuumadda Riyaad ay ugu baaqayaan in ay qaadato mawqif diblumaasiyadeed oo ku dhisan siyaasad wanaagsan oo ah in aan la fara gelin dowladaha kale, wuxuuna sheegay in taasi tahay jidka kaliya ee horay loogu socon karo.

Sacuudiga iyo Iran ayaa sanadkan bilaabay wadahadallo toos ah iyadoo quwadaha aduunku ay isku dayayaan inay badbaadiyaan heshiiskii Nukliyeerka ee Iran, iyo iyadoo dadaalada Qaramada Midoobay ay hormuudka ka tahay ee lagu soo afjarayo dagaalka Yemen ay sii yaraanayaan.

Sacuudiga oo xiriirka u jartay Iran 2016-kii, ayaa ku tilmaantay wada-hadallada kuwo saaxiibtinimo, balse wali ma ahan kuwo shaac baxay Halka sarkaal Iiraani ah uu sheegay in bishii Oktoobar ay wadahadalladu meel fiican gaareen la iskuna soo dhawaaday.

 

Related posts

FBI-da  oo loogu baaqay in ay baarto Barnaamijka FaceApp ee baraha bulshada qabsaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo hajabaad culus hawada u mariyay Sacuudiga iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Faahfaahin: Weerar Khasaare geystay oo ka dhacay Saldhiga Booliska Burtinle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---