Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha TPLF oo amar deg deg ah bixiyay, Wadahadalna ku baaqay

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa maalmihii lasoo dhaafay guulo ka gaaray dagaalka ay kula jiraan jabhada TPLF, waxa ayna ciidamada dib u qabsadeen deegaano iyo magaalooyin kuyaala gobolada Canfarta iyo Amxaarada oo horey u qabsaedeen TPLF.

Hogamiyaha ciidamada TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa amar ku siiyay ciidamada taabacsan in ay si deg deg ah uga soo baxaan deegaanada iyo magaalooyinka ay ka joogaan gobolada Canfarta iyo Amxaarada isuguna yimaadaan xadka Tigrey.

Debretsion Gebremichael, ayaa qoraal uu u qoray Qaramada Midoobay ku sheegay in dhankooda diyaar u yihiin in ay joojiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada federaalka ayna raali ka yihiin wadahadal.

Hogaamiyaha TPLF ayaa beeniyay in looga adkaaday dagaalka ay kula jiraan ciidamada federaalka Itoobiya, waxa uuna sheegay in magaalooyin laga qabsaday ay uga soo baxeen xeelado dagaal.

Warkan kasoo baxay hogaamiyaha TPLF ayaa kusoo aadaya xili dagaalka u dhaxeeya Ciidamada federaalka iyo TPLF waji cusub galay ayna awood cusub lasoo baxay ciidamada federaalka markii uu dagaalka hormuud u noqday R/W Abiy oo hada Turkiga ku maqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya: “Heshiiska Somaliland & Itoobiya wuxuu ka dhigan yahay iclaamin dagaal”

Caydiid Ali

Cabashadii keentay Babaanbixii maanta ka dhacay Muqdisho oo la xaliyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo u Mahadceliyay Farmaajo kana hadlay Xalka gobolka Gedo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---