Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay wafdi ka socday Turkiga (Sawirro)

-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayo Safiir kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya mudane Ismail Emre Kosif, iyo xubno kale oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan Wasaarada Amniga iyo Arimaha Gudaha Turkiga, Hay’ada bisha cas iyo howlwadeenada Safaarada Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee ka jira deegaanada Jubaland iyo doorka ay ka qaadanayso Dowlada Turkiga gargaarka la gaarsiinayo dadka tabaalaysan iyadoo si hordhac ah ay hay’ada bisha cas ee turkiga raashin qeybin uga bilowday meelaha qaar.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Turkiga uga mahad celiyay jawaabta ilaa hada ay ka bixiyeen baaqii Dowlada Jubaland ay u dirtay bulshada Caalamka ee la xiriiray gurmadka abaaraha ka jira Jubaland.

Related posts

Muhaajiriin ay Soomaali ku jiraan oo diiday in ay ka degaan Markab soo bad baadiyay

Cabdi Cade

Iran oo markii ugu horeesay qiratay in Diyaarado siisay Ruushka iskana fogeysay in ay…

Cabdi Cade

Madaxweynaha FIFA Gianni Infantino oo si kulul u weeraray dalalka reer Yurub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---